Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Mauro Icardi oo farriin siiyay kooxaha daneynaya

Mauro Icardi oo farriin siiyay kooxaha daneynaya

Laacibka Inter Milan Mauro Icardi ayaa ku adkeysanaya in uusan ka fekereynin sidii uu uga tagi lahaa Inter Milan, illaa uu koobab kula guuleysanayo kooxda reer Talyaani.

Icardi ayaa Inter kaga soo biiray kooxda Sampdoria sannadkii 2013, waxaana uu dhaliyay xiddigaan 117 gool 197 kulan oo uu u saftay kooxda Talyaaniga tartamada oo dhan. Waxa uu sidoo kale xilli ciyaareedkan, ciyaaryahanka 25 jirka ah uu dhaliyay 10 gool 15 kulan oo uu saftay.

Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha soo bandhigay xiisaha Icardi laakiin ciyaaryahanka reer Argentine ayaa sheegay in aysan aheyn wakhtigii saxda ahaa ee uu ka tagi lahaa Inter markii la weydiiyay xiisaha kaga imaanaya Bernabeu.

“Uma maleynayo inay tani tahay wakhti sax ah, marka la fiiriyo sida ay hadda wax ku socdaan” ayuu Icardi u sheegay Corriere dello Sport.

“Waxaan mar walba sameeyay in aan dhaliyo goolal badan: Marka ugu horeysa si aan ugu soo laabano Champions League,waan sameynay taasi, marka labaad, si aan wax ula guuleysto naadiga Inter, agaasimaha ciyaaraha Piero Ausilio wuxuu sameeyay koox fiican, inkastoo uusan awoodin in uu wax badan ku kharash gareeyo. ”

Heshiiska laacibka reer Argentina Icardi ee garoonka San Siro ayaa dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-21.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan