Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Lucas Torreira oo u digay saaxiibbadiisa Arsenal kahor kulanka Man Utd

Lucas Torreira oo u digay saaxiibbadiisa Arsenal kahor kulanka Man Utd

Man Utd ayaa martigelin doonta Arsenal horyaalka Premier League inkastoo Gunners-ka ay ka sarreyso dhibco badan naadiga United. Lucas Torreira ayaana uga digay saaxiibbadiisa in kulanka Manchester United uu noqon doono mid adag.

Arsenal ayaa 4-2 ku garaacday deriskooda Tottenham axaddii, iyadoo Torreira uu guddoomay abaalmarinta shaqsiga ciyaarta, halka United ay barbaro 2-2 ah la gashay Southampton.

Kooxda Jose Mourinho ayaan wax guul ah ka gaarin seddexdii kulan ee lasoo dhaafay Premier League, halka kooxda Unai Emery ay 8 dhibcood ka sareeyaan.

Laakiin, inkastoo United ay qaab ciyaareed xun ku jirto haddana Torreira ayaa aaminsan in ciyaarta ay noqon doonta mid adag marka kooxda London ka dhisan ay u safreyso Old Trafford Arbacada.

“Hadda kulanka aan wajaheyno Manchester United waa uu imaanaya, iyagu si toos ah ayey inoogu soo horjeesan doonaan, sababtoo ah Manchester waty naga dambeysaa, marka loo fiiriyo kala sarreynta horyaalka,”ayuu yiri.

“Waxa aan dhalinay goolal badan xilli ciyaareedkan, waxaan ka ciyaareynaa dhowr  tartan, waxaana sameyneynaa qaabka ugu fiican, waana wax muhim ah in aan sii wadno sii kordhinta koox ahaan.

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan