Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Mourinho “Waxay noqon laheyd mucjiso haddii United ku dhammeysato kaalinta afaraad”

Mourinho “Waxay noqon laheyd mucjiso haddii United ku dhammeysato kaalinta afaraad”

Waxay noqon laheyd “mucjiso” haddii Manchester United ay ku dhammeysato afarta kooxood ee ugu sarreysa xilli ciyaareedkan horyaalka, sidaasi waxaa yiri Jose Mourinho.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta toddobaad ee horyaalka, sideed dhibcood ayay ka hooseysaa Arsenal oo kaalinta afaraad ku jirta, labada kooxood ayaana kulmi doona Arbacada.

United ayaan badin tan iyo 3-dii November , waxaana ay barbaro galeen labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen Crystal Palace iyo Southampton.

Isagoo la hadlayay Tv-ga reer Brazil ee RedeTV kaddib kulankii ay barbaraha 2-2  la galeen Southampton, Mourinho ayaa yiri: “Sannadkii hore, waxaan ku dhammeysanay  booska labaad, waa cajiib taasi oo ay ugu wacan tahay tayada aan la barbar dhignay awoodda kooxaha kale ee u dagaalamayay afarta ugu sarreysa. ”

Mar uu ka hadlayey himiladiisa ku aadan ololaha intiisa kale ayuu yiri: “Isku day in aad ku guuleysatid dhibcooyin badan, intii suuragal ah isku day in aad sameysid wax mucjisa ah si aad ugu dhammeeysato kaalinta afraad. “

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan