Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Xog ku saabsan dhaawaca Sadio Mane iyo Andy Robertson

Xog ku saabsan dhaawaca Sadio Mane iyo Andy Robertson

Kooxda Liverpool ayaa u baahan inay qiimeyso taam ahaanshiyaha Sadio Mane iyo Andy Robertson kahor ciyaarta habeenka arbacada ay u safrayaan Burnley.

Labada ciyaaryahan ayaa dhaawacyo fudud soo gaaray intii uu socday kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Everton ee ka dhacay Anfield.

Tababare Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay in arrinta labada ciyaaryahan la hubin doono kahor inta aan la go’aamin inay ka qeyb qaadanayaan kulanka ka dhici doonna garoonka Turf Moor.

Tababaraha Liverbool ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta kahor wuxuuna yiri:”Sadio iyo Robbo waxaan u baahanahay in aan aragno iyaga oo taam ah, xaqiiqdii Sadio waxa uu si daran ugu cabanayaa cagaha hoose, waxaa loo baahan yahay in la xoqo;In uu ciyaarayo ma xaqiijin karno, dib ayaan ka arki doonaa.

“Robbo ma ahan mid aad u xun sida Sadio, laakiin waxaan u baahanahay inaan aragnom,” ayuu hadalkiisa raaciyay tababaraha kooxda Liverpool.

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan