Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Hazard oo noqonaya Cayaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Chelsea

Hazard oo noqonaya Cayaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Chelsea

Himilo FM  – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo bandhigtay xiddiga qadka dhexe ee Eden Hazard kaasi oo qandaraaskiisa ku kacaya £300,000 kun oo ginni isbuucii, si uu ugu baaqsado ku biiritaanka Real Madrid.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa si xooggan lala xiriirinayay Los Blancos, isagoo qirtay inay tahay riyo “in uu matalo kooxda heysata Champions League ee Real Madrid”.

Tababaraha Blues Maurizio Sarri ayaan rajo ka qabin in uu Hazard kooxda ka diro ka hor 2020, isagoo sheegay in heshiis cusub uu sugayo in loo saxiixo laacibkaan tayada wanaagsan ku dhex leh magaalada London iyo Chelsea.

Sida laga soo xigtay warsidaha Daily Mail, 27 jirkaan ayaa noqon doona ciyaaryahankii ugu mushaarka badnaa ee Chelsea taariikhda  haddii uu qalinka ku duugo heshiiska, laakiin waxa uu doonayaa inuu oggaado xaaladda Madrid ka hor inta uusan saxiixin qandaraaska.

Hazard ayaa dhaliyay toddobo gool isaga oo sameeyay shan caawin oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, laakiin xiddigaan ayaan shabaqa gaarin muddo labo billood ah.

Chelsea ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto David Luiz iyo Cesc Fabregas si ay kooxda ugu kordhiyaan qandaraaska.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan