Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caruurta / Macluumaad aadan ka ogeyn mataanaha!

Macluumaad aadan ka ogeyn mataanaha!

Dhalmada mataanaha ayaa korortay 76% dunida oo dhan  tan iyo sanadkii 1980. Waxaana haweenka Mareykanka oo keliya laga filayaa sanadkan 140 kun oo mataano. Haddaba maqaalkan kooban ayaan kugula wadaageynaa macluumaad aadan ka ogeyn mataanaha.

Sidee lagu kala sooci karaa mataanaha?

Mataanaha waxay wadaagaan hide-sidayaasha DNA-ga, waana midda adkeynaysa in la kala aqoonsado laakiin waxaa jira habab la adeegsan karo si loo kala sooco mataanaha. Waxaa kamid ah xudunta oo ay ku kala duwan yihiin markasta iyo faraha gacmaha.

Mataano aanan isku Aabbe aheyn!

Waxaa dhacda mararka qaar in mataanaha kala aabe noqdaan. Waxay tani ku imaan kartaa marka haweenay galmo la sameyso laba nin maalmo gudahood laakiin kuma badna arrintan bini’aadamka.

Af u gaar ah ayay ku hadlaan mataanaha!

Baaritaano badan ayaa muujiyay in mataanaha ku hadlaan af u gaar ah. Waxaana tani ugu wacan iyadoo carruurta mataanaha uu midba midka kale ku tiirsan yahay markay timaado erayada afka. Daraasad ayaana xaqiijisay in 40% mataanaha ku hadlaan af u gaar ah.

Dhalashada mataanaha waa arrin rabaani ah oo ka baxsan gacmaha bini’aadamka laakiin sidaasi oo ay tahay waxaa jira baaritaano badan oo muujiyay sida haweenayda u qaaddo uurka mataanaha.

Waxaa u baahan xusid in mataanaha kala madax bannaan yihiin mararka qaar, waa marka haweenaydu xambaarto uurka cunugga hore kaddibna uu mid kale raaco, waana xaalad aan badneyn.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan