Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Marko Arnautovic oo garoomada ka maqnaanaya  ilaa iyo sanadka cusub

Marko Arnautovic oo garoomada ka maqnaanaya  ilaa iyo sanadka cusub

Himilo FM – Weeraryahanka West Ham Marko Arnautovic ayaa garoomada ka maqnaanaya muddo bil ah iyadoo dhaawac uu kasoo gaaray kulankii Talaadadii ay 3-1 kaga badiyeen Cardiff.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Austria ayaa seegi doona xilli Ciidaha Christmas-ka, inkastoo laga yaabo inuu diyaar u noqdo kulanka FA Cup wareega 3aad ee ay la ciyaarayaan Birmingham bisha Janaayo.

29 jirkaan ayaa dhaliyay shan gool 13 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan Horyaalka.

“Arnautovic wuxuu leeyahay dhaawac muruqa ah, “ayuu yiri tababaraha West Ham Manuel Pellegrini. “Waxaa laga yaabaa inuu maqnaado muddo hal bil ah.”

West Ham waxay Kulan kula qaadan doontaa  Crystal Palace garoonka London Stadium Sabtida.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan