Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Xiddiga Barcelona Malcom oo 10 – 15 maalmood ku maqnaanaya dhaawac

Xiddiga Barcelona Malcom oo 10 – 15 maalmood ku maqnaanaya dhaawac

Himilo FM – Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in Malcom uu seegi doono 10 ilaa 15 maalmood ka  dib markii uu dhaawac anqawga ah kasoo gaaray kulankii Cultural Leonesa.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa Gool dhaliyay ka hor dhaawaciisan  kulankii ay 4-1 ku gaareen  Camp Nou, taasoo xaqiijisay in ay wadar ahaan  5-1 ku  gaartay wareega  16ka.

Marka uu dhaawaca soo gaarayay, Barca waxay isticmaashay dhammaan seddexda bedel, waxaana lagu qasbay inay daqiiqadaha ciyaarta ka dhiman ay ku dhamaystaan 10 xiddig.

Malcom ayaa shabaqa soo taabsiiyay goolka 3aad qeybtii hore ee ciyaarta, lakiin haatan waxaa la hubaa inuu seegi doono kulanka  sabtida ee derby–ga ah  Espanyol iyo sidoo kale kulanka Talaadada ee Champions League ee ay soo dhawaynayaan  Tottenham.

Barca ayaa horeba u xaqiijisay  in ay ku soo baxay booska 1aad e Groupka B.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan