Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / AC Milan oo dooneysa laba ciyaarayahan oo kamid ah kooxda Liverpool

AC Milan oo dooneysa laba ciyaarayahan oo kamid ah kooxda Liverpool

Himilo FM – Labada ciyaaryahan ee Liverpool Divock Origi iyo Daniel Sturridge ayaa lagu soo waramayaa in ay diiradda u saaraan  yihiin kooxda AC Milan.

Origi iyo Sturridge ayaa ku soo billowday kulankii ugu dambeeyay ee Premier League oo ay la ciyaareen Burnley, laakiin waxaa jira shaki ku saabsan mustaqbalka fog ee garoonka Anfield.

Sida laga soo xigtay wargeyska La Gazzetta dello Sport, Milan ayaa diiradda saareysa labada weeraryahan iyaga oo soo gabagabeynaya raadinta  ay ugu jiraan weeraryahanka Los Angeles Galaxy Zlatan Ibrahimovic.

Origi ayaa u ciyaaray Liverbool xilli ciyaareedkaan markii  ugu horreysay, inkastoo ciyaaryahanka reer Belgium uu ciyaaray 83 daqiiqo kulankii Premier League, islamarkaana uu dhaliyay goolkii guusha ee Merseyside derby tan iyo billowgii bishii December.

Sturridge  oo  uu qandaraaskiisa dhacayo xaggaagan ayaa 14 kulan u saftay horyaalka iyo Champions League xilli ciyaareedkan, laakiin xiddigga heerka caalami ee dalka England ayaa ku soo billowday afar kulan oo ka mid ah kulamadaasi.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan