Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Kooxda Liverpool oo xiriir la sameysay Adrien Rabiot

Kooxda Liverpool oo xiriir la sameysay Adrien Rabiot

Himilo FM – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u dirtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain xiddiga lagu magacaabo Adrien Rabiot.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa la fahamsan yahay inuu diiday dalab qandaraas kordhin ah oo uga yimid PSG, taasi oo la micno ah in keliya lix billood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan ee kooxda.

Kooxda Liverpool ayaa billowgii xilli ciyaaredkaan la saxiixatay xiddigaha khadka dhexe ee Fabinho iyo Naby Keita.

Liverpool ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo la sheegay in ay xiiseynayaan Rabiot oo lix bil kaddib isu bedeli doona mid xor ah. Majaladda L’Equipe ayaa warineysa in labada kooxood ee Barcelona iyo Liverpool ay xiriir wanaagsan la sameeyeen 23 jirkaan.

Xiddiga reer France ayaa PSG ka qaata qiimo lacageed oo gaarsiisan 55 kun ginni isbuucii,wuxuuna rajeynayaa in qiimaha loo siyaadiyo.

Rabiot  ayaa xor u ah in uu la hadlo kooxaha uu doonayo billowga bisha soo socota ee Janaayo,laacibkaan ayaa kusoo billowday 15 kulan oo horyaalka Ligue 1 iyo tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan