Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Dhaqaale / RW Faransiiska “ Canshuur khatar ma gelin karto midnimada qarankeenna”

RW Faransiiska “ Canshuur khatar ma gelin karto midnimada qarankeenna”

Himilo FM –  Ra’iisul wasaaraha Faransiiska  Édouard Philippe ayaa wacad ku maray in la soo celiyo midnimadii dalka kaddib dibad baxyo toddobaadkii afaraad ka socda halkaasi.

Booliiska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si loo kala ceyriyo dibad baxayaasha ka cabanaya canshuurta la saaray shidaalka iyo ascaarta nolosha oo sii kaceysa.

Inka badan 1700 qofood ayaa la xeray inkastoo rabshadaha aysan aheyn sidii horraantii toddobaadka.

“Wadahadalada lala yeelanayo dibad baxayaasha waa inay socdaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Faransiiska oo u muuqda inay ka go’an tahay midnimada dalkaasi.

Waxa uu intaa raaciyay inaysan canshuur khatar gelin Karin midnimada qaran isaga oo ku baaqay in wax kasta loo maro wadahadal iyo in la wada shaqeeyo.

Ku dhawaad 125,000 qofood ayaa isugu soo baxay guud ahaan Faransiiska sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi.

Si looga jawaabo dibadbaxyada, waxay dowladda magaalooyinka ku soo daabushay 90 kun oo askari oo ay u dhammeystiran yihiin hubkooda.

Ku dhawaad 10 kun oo qofood ayaa lagu qiyaasay dadka ka qeybgalay dibad baxyada ka dhacay caasimadda Paris halkaasi oo lagu gubay gaadiid iyo xarumo ganacsi.

Maxay dowladda ka sameysay tanaasulaad?

Dibad baxayaasha ayaa diidan lacago lagu kordhiyay canshuurta shidaalka, waxaa kale oo jirta in dibad baxayaasha ka cabanayaan ascaarta nolosha magaalada oo sii kaceysa.

Dowladdu waxay shaacisay inay wax ka qaban doonto caabashada dadweynaha hase ahaatee waxay tilmaamtay inaan loo dulqaadan Karin marnaba rabshado lagu burburiyo hanta dadweyne.

Tanaasulaadka qaar ee dowladda sameysay waxaa la aminsan yahay inaysan ka jawaabeyn dalabaadka dibad baxayaasha oo qaarkood codsanaya in mushaaraadka la kordhiyo, la dhimo canshuuuraha, la hagaajiyo lacagaha howlgabka ah halka kuwa kale dalbanayaan inuu iscasilo madaxweyne Macron.

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan