Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Taageerayaasha Man Utd oo Martial ula baxay naaneys cusub

Taageerayaasha Man Utd oo Martial ula baxay naaneys cusub

Himilo FM – Anthony Martial ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay Manchester United dhawaan. Ciyaaryahanka reer France ayaa haatan dhaliyay 7 gool 11-kii kulan ee ugu danbeysay ee uu u safto kooxda.

Goolkii uu ka dhaliyay Arsenal dhammaadka toddobaadkii lasoo dhaafay waxay ka dhigneyd goolkii siddeedaad xilli ciyaareedkan,taageerayaasha ayaana rajeynayay in uu qeyb ka noqon  doono kulanka Fulham ee sabtida.

Si kastaba ,dhaawac ayuu kaga maqnaa kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Cottagers, taageerayaasha ayaana haatan sugaya inay arkaan haddii uu taam u noqon doono safarka Liverpool.

Martial ayaa daawaday United kulankii ay Fulham guusha kaga gaartay Old Trafford iyadoo Ashley Young, Juan Mata, Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford ay shabaqa soo taabteen.

23 jirkaan ayaa Twitter-kiisa fariin ugu diray Juan Mata,fariin u qorneyd ‘El Mago’ oo ay micnaheedu tahay (saaxirka),iyadoo ay taageerayaal fara badan ay ka aragti dhiibteen, waxayna inta badan qoraaladooda u summadeysanaayeen “Ronaldaha France”.

Taageere lagu magaacaabo kQ oo Twitter-ka kusoo gala @karimque ayaa u qoray fariintiisa sida tan French Ronaldo

Mid kale oo lagu magacaabo Tanmay ayaa ku jawaabay isaga oo yiri “Le French Ronaldo

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan