Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Santiago Solari oo ka faallooday hadal uu jeediyay Ronaldo

Santiago Solari oo ka faallooday hadal uu jeediyay Ronaldo

Himilo FM – Markii wax laga weydiiyay wax ku saabsan  Ronaldo, tababaraha kooxda Real Madrid Santiago Solari  ayaa ku yiri shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka caawa Champions League oo ay la leeyihiin CSKA Moscow “Bini’aadanimadu waa fiyoobid weyn”.

Wareysi uu  shalay bixiyay  Cristiano Ronaldo ayaa kooxda Juventus barbardhigay kooxdiisii hore “Tani waa kooxdii ugu fiicnayd ee aan ka ciyaaray’ kana wanaagsan kooxihii uu soo maray oo ay hormuud u tahay naadiga uu guulaha badan la gaaray ee Real Madrid.

Tababaraha kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaan wakhti dheer ku qaadanin in uu u jawaabo laacibka Portugal, wuxuuna yiri hoggaamiyuhu “Bini’aadanimadu waa fayoobid oo ay u baahan yihiin ciyaartoyda sare, Real Madrid waxay heysataa koox cajiib ah, Cristiano Ronaldo wuxuu ku andacoonayaa in kooxda ay hoos u dhacday”.

Cristiano waa mid naga mid ah weligiis,waa taariikhda nool ee Real Madrid, dareenkiisa isaga ayaa leh, mana xukumi karno, “ayuu yiri Solari.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan