Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Virgil “Waa wakhti fiican in aad noqoto ciyaaryahan Liverpool ah”

Virgil “Waa wakhti fiican in aad noqoto ciyaaryahan Liverpool ah”

Himilo FM – Daafaca Liverpool Virgil Van Dijk ayaa hammi weyn u haya xilli ciyaareedkan kaddib markii uu ku riyaaqay guusha Champions League ay ka gaareen Napoli.

Guul 1-0 oo ay ka gaareen Napoli, waxaa doorka guusha qeybta ugu muhiimsan ka qaatay laacibiinta Maxamed Saalax iyo goolhaye Alisson Becker, kuwaasi oo Liverppol u sahlay inay u tallaabaan wareegga is-reeb-reebka Champions League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa sidoo kale hoggaanka u heysa Premier League kaddib qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan, Van Dijk ayaana qiray inay tahay wakhtigii ugu fiicnaa ee kooxda Liverpool.

“Waa wax aan dhamaanteen rabno, waa wax aan dooneyno inaan wax walba siino,”ayuu yiri.

“Waxaan dooneynaa in aan ka ciyaarno heerka ugu sarreeya ee Champions League, marka laga reebo Premier,waana heerka ugu sarreeya.

“Waa waqti fiican in aad noqoto taageere Liverpool ama ciyaaryahan, kuwani waa maalmo aad rabto in aad la kulantid ciyaaryahan ahaan, innaguna waa nahay. ”

Daafaca Liverpool ayaa sannadkaan ku tilmaamay mid ka wanaagsan sidii ay ahaayeen sannado badan, waxaana laga dhaliyay kaliya lix gool 16 kulan oo Premier League ah.

Van Dijk ayaa shaaca ka qaaday in badan oo ka mid ah dhismaha kooxda, taasi oo uu ku micneeyay in kooxda ay heshay kalsooni ku filan si ay midba midka kale tartanada u ilaaliyaan heerkooda sareeya.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan