Home / Cayaaro / Real Madrid oo dhameystiraysa saxiixa Exequiel

Real Madrid oo dhameystiraysa saxiixa Exequiel

Himilo FM – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dhameystirayso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee River Plate Exequiel Palacios kaddib Koobka Club World Cup-ka.

Madrid ayaa la fahamsan yahay inay raadineysay 20 jirkan muddo bilooyin ah, waxaana uu ka soo muuqday finalkii Copa Libertadores  – taasoo lagu qabtay Bernabeu – waxa ayna ka  caawisay inay horumar ka sameeyaan dalabkooda.

Guusha  River ee finalka waxa ay la micno tahay inay kula biiri doonaan kooxda heysata Champions League ee Madrid tartanka Club World Cup ee Abu Dhabi bishan ka dhacaya , iyadoo labada naadi la rajeynayo  inay ku kulmaan finalka 22ka December.

Marca ayaa sheegeysa in Palacios uu ku biiri doono Real Madrid inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, inkastoo River  rajeynayso inay diido ilaa laga gaarayo  xagaaga soo aadan.

Ciyaaryahankan da ‘yarka ah ayaa ka soo muuqday kooxda River Plate 18 kulan oo uu u saftay kooxdiisa dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay labo gool.

Palacios sidoo kale waa xiddiga reer Argentina, isagoo ku guuleystay labo kulan in uu ka soo muuqdo markiisii ugu horreysay  wadankiisa sannadkan.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan