Home / Cayaaro / Arsenal oo safka hore ugu jirta kooxaha doonaya Malcom

Arsenal oo safka hore ugu jirta kooxaha doonaya Malcom

Himilo FM – Xiddiga Barcelona Malcom ayaa laga yaabaa in uu £58 milyan oo ginni ugu wareego China bisha Janaayo, sida laga soo xigtay wargeysyada. Malcom ayaa ku biiray Barcelona xaggaagan isaga oo Bordeaux ugu soo wareegay  £ 36.8 million.laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho, kaliya shan kulan oo La Liga ah ayuu ciyaaray  illaa iyo xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay AS, koox ka dhisan China ayaa soo bandhigtay dalab 58 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso 21 jirkan kaddib markii uu si adag ugu billowday Nou Camp.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu soo jiitay dareenka kooxaha Roma iyo Arsenal oo laga yaabo inay dalbadaan xiddiga garabka ka ciyaara bisha Janaayo.Gunners ayaa xiisa badan u heysa laacibka reer Brazil ee Malcom.

Madaxa fulinta kooxda Barcelona Oscar Grau ayaa bishii October saadaaliyay in Malcolm la iibin doono kaddib markii Arsenal la sheegay inay wadahadal la furtay saxiixa weeraryahanka.

Inkasta oo aysan jirin wax faahfaahin ah oo la helayo laga soo bilaabo tan iyo markii uu dalab ka yimid kooxda reer China haddana waxaa macquul ah in la iibiyo laacibkaan.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan