Home / Macluumaad / La kulan 53 jirka la nool yaxaas muddo 20 sanno ah!

La kulan 53 jirka la nool yaxaas muddo 20 sanno ah!

Himilo FM –  Kanathip Nathip waa 53 jir ku nool magaalada Phitsanulok ee dalka Thailand, kama uusan walwalin inuu albaabka gurigiisa xero markasta oo uu ka baxayo. Marwalba oo uu qof isku dayo inuu galo guriga si uu u dhaco wuxuu la kulmayay arrintii ugu yaabka badneyd  noloshiisa.

Ninkan u dhashay dalka Thailand waxaa gurigiisa kula nool yaxaas xur u ah inuu dhaqdhaqaaqo iyadoo uu Kanathip ku faraxsan yahay arrintaasi islamarkaana uusan casuumin marti badan.

Mr Kanathip ayaa soo helay yaxaaska 20 sanno kahor. Labo carruur ah oo uu dhalay ayaa aad u jeclaa xamaalatada, sidaa darteed waxa uu u soo iibiyay labo yaxaas oo loola magac baxay Thong iyo Ngern.

Wakhti kaddib, waxaa soo baxday in yaxaaska Ngern uu la qabsan waayay nolosha guriga, sidaa darteed waxay u dhiseen barkad yar halkaasi ayuuna dagay balse Thong wuxuu noqday mid la qabsaday nolosha guriga kuna raaxeysta isaga oo halkaasi ku nool muddo 20 sanno ah.

Inkastoo carruurta Kanathip ay koreen oo ay u wareegeen xaafad kale haddana 53 jirka u dhashay Thailand waxa uu yaxaaska la nool u arkaa wiilkii seddexaad.

Mr Kanathip ayaa u sheegay mareegtada Sanook ee dalka Thailand in yaxaaska uusan wali qof dhibaateyn islamarkaana wada qaataan wakhti wanaagsan.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan