Home / Arrimaha Bulshada / Suudaan: Aroosyada oo laga mamnuucay in rasaas lagu mashxarado

Suudaan: Aroosyada oo laga mamnuucay in rasaas lagu mashxarado

Himilo FM –  Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa ansixiyay sharci wax ka badal ah oo noqonaya kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah islamarkaana la xiriira hubka.

Sharciga la meel mariyay waxa uu dhigayaa in 5 sanno oo xarig ah lagu xukumo qof kasta oo rasaas ka rida aroos ama xafladaha kale ee bulshadda isugu timaado.

Sida warbaahinta dalkaasi laga soo xigtay, waxaa kordhay dhacdooyinka dhimashada ee lala xiriiriyo rasaas la furo xilliga aroosyada. Waxaa ugu danbeysay xaflad aroos oo wiilkii arooska ahaa uu ku dhintay rasaas uu furay saaxiibkii oo u dabaal degayay xafladiisa.

Waxay tani keentay dood adag oo baraha bulshadda lagu fallanqeeyay iyadoo ugu danbeyntii dadweynaha ay dalbadeen in la joojiyo rasaasta aroosyada loogu dabaal dego.

Xubno kamid ah baarlamaanka Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada inay yihiin cidda ugu badan ee rasaas adeegsata xilliyada arooska si ay u muujiyaan farxadda ay dareemayaan.

Isaga oo taasi ka jawaabaya, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Suudaan, waxa uu sheegay in sharciga loo simman yahay islamarkaana uu qabanayo qof kasta.

Dalal badan ayay ka dhacdaa in rasaas dhabta ah loo adeegsado aroosyada si loo muujiyo in aroosku yahay mid aan caadi aheyn hase ahaatee waxaa dhacda inay wax yeelo dhimasho ama dhaawac geysato rasaasta.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan