Home / Macluumaad / Sawirro: Shimbirta ugu da’da weyn caalamka oo foolatay ukun!

Sawirro: Shimbirta ugu da’da weyn caalamka oo foolatay ukun!

Himilo FM – Shimbirta ugu da’da weyn caalamka ayaa mar kale dhigtay ama foolatay ukun iyadoo horay u dhigtay 30 ukun.

Wisdom oo loola magac baxay shimbirtan islamarkaana kamid ah nuuca shimbiraha ee loo yaqaan “albatross” ayaa dhigtay ukun aqalkeeda oo ku yaalla jasiirad yar oo 1,200 Mile ka fog waqooyi galbeed Hawaii ee badda Pacifiga.

Khubarada cilmiga Biology-ga  ayaa sheegaya in shimbirtan nooshahay muddo 68 sanno ah islamarkaana loo arkay inay tahay Shimbirta ugu da’da weyn dunida.

Shimbirka la yiraahdo Akeakamai ayay wada joogaan Wisdom tan iyo sanadkii 2006, waxaana laga filan karaa inay dhigaan ukumo badan sannadaha soo socda. Waxaa la aaminsan yahay inay shimbirtan korisay 30 illaa iyo 36 jiijiil nolosheeda oo dhan.

Hannaan iyo wakhti dheer ayay qaadataa inay shimbirtan dhigto ukun, waana midda horseeday in sheekooyin badan laga qoro shimbirta 68 sanno jirka ah.

Waxaan xogtan kuugu soo lifaaqnay sawirrada shimbirta si aad u daawato…

 

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan