Home / Cayaaro / Kooxda Chelsea oo u dhaqaaqday laacib ka ciyaara dalka Holland.

Kooxda Chelsea oo u dhaqaaqday laacib ka ciyaara dalka Holland.


Himilo FM – Tababaraha kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in uu diiradda saarayo garabka kooxda PSV Eindhoven xiddiga lagu magacaabo Hirving Lozano si uu u soo qaato marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Kooxda Chelsea ayaa hadda ku jirta booska afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League laakiin kooxda Sarri waxay ku dhibtoodeen inay goolal dhaliyaan labadii billood ee lasoo dhaafay, waxaana uu shaki ku jiraa mustaqbalka ciyaartoyda weerarka..

Maalinimadii shalay, shir jaraa’id oo uu qabtay Maurizio Sarri ayuu ku sheegay in kooxda ay bilaabeyso qorshe ay suuqa ku galeyso si loo xoojiyo  mustaqbalka naadiga,waxayna u muuqataa in kooxda galbeedka London ay ku raacsan yihiin tababarahooda.

Sida ay werisay Calciomercato, Chelsea ayaa u dhaqaaqeysa bartamaha xaggaagan xiddiga PSV ninka lagu magacaabo Lozano.

23jirkan waxa uu kooxda ka dhisan Holland kula jiraa heshiis dhacaya sannadka 2023 laakiin waxaa horey loo shaaciyay in ciyaaryahanka Mexico la burburin karo heshiiskiisa.

Kooxda AC Milan ayaa sidoo kale xiisa u heyso laacibkan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan