Home / Caafimaad / Vietnam: Daanyeerada oo loo cuno sababo caafimaad!

Vietnam: Daanyeerada oo loo cuno sababo caafimaad!


Himilo FM – Booliiska dalka Vietnam ayaa xeray 6 qofood oo lagu eedeeyay inay dileen nuuc kamid ah daanyeerada dalkaasi ee tirada yar iyaga oo toos ka ahaa shabakadda Facebook-ga.

Ka ganacsiga daanyeerada waa wax caadi ka ah Vietnam halka dad badan ay cunaan hilibkiisa iyaga oo aaminsan in caafimaad laga helayo ama lagu daweyn karo cudurrada qaar.

Waxaa daanyeerada lagu iibiyaa suuqyadda madow ee dalkaasi, wayna la dhuuntaa dadka cunna sababtoo ah sharciga xayawaanada dalka ayaa mamnuucaya arrintaasi.

Dadka la xeray waxay da’dooda u dhaxaysaa 35 illaa 59 jir, waxay ka soo muuqdeen muuqaal toos ah iyaga oo cunnaya beerka daanyeer nuuciisu yahay Langore oo ah mid ka sii dabbar go’aya dalkaasi bishii November.

Booliiska ayaa sheegay inay wakhti badan ku qaadatay inay soo xeraan dadka ku lug yeeshay falka lagu dilay daanyeerka laguna cunnay beerkiisa sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxay wajahaan eedeysanayaasha danbiga ah inay cunneen daanyeer, waxaana tani ay kahor imaaneysaa sharciga dhowraya xayawanaada naadirka ku ah Vietnam.

Baaritaanada ayaa muujiyay in eedeysanayaasha ay daanyeerka ka soo iibiyeen nin ugaarsata ah oo ka qaatay 49 doolar.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan