Home / Caafimaad / Mataano dhalashadooda u dhaxaysay 12 maalin!

Mataano dhalashadooda u dhaxaysay 12 maalin!


Himilo FM – Ma cusba in mataano la dhalo, waan aragnaa ama maqalnaa, wax badan ma kala dambeeyaan sida caadiga ah markay dhalanayaan . Balse haweeney u dhalatay UK ayaa diiwaan sameysay kaddib markii ay dhashay mataano kala dambeeyay 12 maalin, waxaa loo diiwaan geliyay mataanihii ugu  kala fogaa dhanka kala dambeynta dhalashada.

Vicky Green, waa hooyada mataanaha, waa 32 jir waxay macallin caawiye ka tahay dugsi ku yaala Manchester, England sida laga soo xigtay Mail Online oo sheekada hooyadan wax ka qortay. Waxay u sheegtay ineysan fekrad horey uga haysan uur illaa ay ka dhashay cunuggeedii koobaad.

“ Ma aanan rumeysneyn markii aan dhalay hal cunug in mid kale uu ku jiro ilmo-galeekayga, runtii waxay aheyd xaalad naadir ah, sababtoo ah miisaankayga ayaa korayay dhalmadaydii kaddib,” sidaa waxaa tiri  Green.

Labadan mataane waxaa loo kala bixiyay Presley iyo  Paisley, dhalashadooda waxaa u dhaxeeyay ku dhawaad labo toddobaad, miisaan ahaan wey kala weyn yihiin sida ay sheegtay hooyada dhashay.

“Aad ayay u wanaagsan yihiin, miisaankooda uu isa soo tarayaa maalin walba, way ciyaaraan,”  waxaa sidaa hadkeeda ku dartay Vicky Green.

Presley iyo Paisley mataanahan waxaa la filayaa inay shan billood  baaqi ku sii ahaadaan isbitaalka St Mary oo ku yaal Manchester mudadaa kaddib waxay heli doonaan ogolaanshaha guriga loo qaadi karo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan