Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / La kulan: Taageere si uu jirkiisa ugu sawiro kooxda uu xiiseeyo ay ku qaadatay 60 saac

La kulan: Taageere si uu jirkiisa ugu sawiro kooxda uu xiiseeyo ay ku qaadatay 60 saac

Himilo FM – Taageere u dhashay dalka Peru ayaa dhawaan muujiyey jaceylka uu u qabo kooxdiisa isaga oo jirkiisa ku sawiray maaliyadda kooxda, shaabadda ama tattoo-ga ayaa qaadatay in la dhameystiro 60 saacadood, taasi oo noqotay fal-celinta ugu badan ee baraha bulshada.

Lama sheegin taageeraha magaciisa,waxayna dhacdadaan xanbaarsaneyd dareen dheeri ah oo qeybta Online-ka ah tan iyo bishii hore, markii Jean Pierre Salinas oo ah naqshadeeyaha Lima 13 tattoo studio uu bartiisa Facebook ku shaaciyey habenyta muuqaalka.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa u muujiyey qadarin sida uu jecel yahay kooxda Alianza Lima oo ah naadi ka dhisan dalka Peru, halka kuwa kale ay sheegeen in uu aad u fogaaday xitaa ku jees jeesay, waxayna taasi ku micneeyeen in kalarka kooxda uu ka kooban yahay caddaan iyo madow isaguna jirkiisa uu kusoo bandhigay midabo ka kooban barown iyo baluug sida ka muuqata sawirka.

“Ma ahan mid waalan,waa dareen,” Jean Pierre Salinas ayaa bartiisa bulshada ee Facebook ku daabacay. “Waxa uu doonayey in uu helo muddo dheer, laakiin dhawaan ayuu helay.

December 13 ayey aheyd markii ay bilaabatay shaqada waxayna qaadatay muddo 60 saac ah ilaa December 19.

Tani ma ahan markii ugu horeysay ee aan aragno qof calaamadda kooxda uu taageero ku sawiray jirkiisa. Sannadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii José Maurício dos Anjos oo ah 33 jir ka soo jeeda magaalada Rio de Janeiro ee dalka  Brazil uu sameeyay fal cajiib ah kaasi oo jirkiisa ku sawiray kooxda uu taageero ee Flamengo.

Halkan ka daawo muuqaalka taageeraha oo kooban.

https://youtu.be/Fh1Kz8XpRGY


About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan