Home / Cayaaro / Sanchez oo doonaya in uu ka dhaqaaqo kooxda Man Utd.

Sanchez oo doonaya in uu ka dhaqaaqo kooxda Man Utd.


Himilo FM – Alexis Sanchez ayaa weli doonaya in uu ka tago Manchester United dhammaadka xilli ciyaareedkan, sida ay sheegayaan warbixinada.

Weeraryahanka reer Chile ayaa ku guuldareystay in uu ku nagaado Old Trafford tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal isagoo oo 12 billood ka hor kooxda soo caga dhigtay.

Sanchez ayaa ku soo bilowday shan kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan mana uusan kasoo muuqan bishii u danbeysay ee uu tababare Jose Mourinho hoggaanka u hayay naadiga, taasi oo loo sababeeyay dhibaato dhaawac muruqa ah.

Ka hoos ciyaarista tababare Ole Gunnar Solskjaer, 30 jirkan ayaa loo isticmaalay guushii Newcastle United iyo Reading.

El Gol Digital ayaa soo jeedineysa in Sanchez uusan sameynin wax isbadel ah tan iyo markii Solskjaer uu bedelay Mourinho, si kastaba ha ahaatee, laacibkan ayaan weli doonaya in uu ka tago billaha soo socda.

Sanchez, ayaa toddobaadkii mushaar ahaan u qaato £ 500,000, waxaana la rumeysan yahay in uu diiradda u saaran yahay kooxaha Valencia iyo Atletico Madrid.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan