Home / Cayaaro / Man City oo £90m oo Gini ku dooneysa Paulo Dybala.

Man City oo £90m oo Gini ku dooneysa Paulo Dybala.


Himilo FM – Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay  doonayso in Paulo Dybala kasoo qaataan kooxda Juventus si weeraryahanka ay uga soo dejiyaan Etihad Stadium xagaaga suuqan.

Dybala oo 25 jir ah ayaa dhaliyay 75 gool 162 kulan oo uu ciyaaray tan iyo markii uu Juventus kaga soo dhaqaaqay Palermo xagaagii 2015.

Xilli ciyaareedkaan,xiddiga reer Argentina ayaa dhaliyay toddobo gool kaddib 22 kulan oo uu ciyaaray dhammaan tartamada, waxaana ku jira shan gool oo ah tartanka Champions League.

Sida ay werisay Daily Mail, kooxda Man City ayaa diyaar u ah in adeegga laacibkan ay ku bixiso £90m oo Gini, waxaana sidoo kale jira  dalabyo ka imaanaya Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.

Inkastoo Dybala uu yahay xiddig cajiib ah oo leh tayo ciyaareed oo heer sare ah haddana Weeraryahankan ayaa kaliya labo gool ka dhaliyay 17 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan 2018-19.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan