Home / Cayaaro / Barcelona oo tartan kula jirta kooxda Napoli raadinta Lozano

Barcelona oo tartan kula jirta kooxda Napoli raadinta Lozano

Himilo FM – Barcelona ayaa diyaar u ah inay Napoli kula dagaalanto laacibka PSV Eindhoven iyo xulka Mexico garabka ugu ciyaara ee Hirving ‘Chucky’ Lozano.

Napoli ayaa ceyrsanaysay Lozano isbuucayadii la soo dhaafay, waxaana lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kor u qaado dalabkooda kaasi oo u dhaxeeya 25-30 Milyan oo Euro ah oo lagu daray Amin Younes.

PSV ayaa dalbatay qiimo gaarsiisan 40 Milyan oo ginni oo lagu iibin karo 23 jirkan kaasi oo ka ciyaara boosas badan sida dhanka biddix, middig ama xitaa weerar.

Laacibkan ayaa dhaliyay 15 gool isaga oo sameeyay sagaal caawin 27 kulan oo uu u saftay PSV.

Si kastaba, Mundo Deportivo iyo Sport ayaa haatan sheegaya in Barcelona ay si aad ah u raadineyso xiddigan.

Chelsea ayaa sidoo kale xiiseyneysa laakiin waxay diiradda saaraysaa xiddiga khadka dhexe Nicolò Barella iyo Leandro Paredes.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan