Home / Macluumaad / La kulan – Haweenayda xanaaneysa 140 bisadood!

La kulan – Haweenayda xanaaneysa 140 bisadood!

Himilo FM – Huda Bushahda oo da’deedu tahay afartameeyo ayaa tan iyo muddo 5 sanno ah waxay xanaaneynaysaa 140 bisad oo kula nool gurigeeda.

Markaad ku socoto guriga Huda waxaad wadada ku arkaysaa boqolaal bisad oo ku nool hoyga haweenayda reer Tunizia oo ku yaalla dagmada Siidii Xuseen oo 22 KM ka fog caasimadda dalkaasi.

Xiriirka Huda kala dhaxeeya bisadaha waa mid adag, way la hadashaa iyaguna waa kuwa si wanaagsan u adeeca. Waxay ugu yeertaa magacyadooda gaarka ah, waana midda fududeysa xiriirkooda.

Sheekada haweenaydan oo dadkeeda ugu yeeraan “ Midda caashaqday bisadaha” ayaa bilaabatay sanadkii 2013 xilligaasi oo ay soo heshay labo bisadood oo ku jiray xaalad adag, markii ay xaafadda keentay oo ay daryeel u fidisay ayay soo kabteen.

Waxay warbaahinta uga warantay culeyska lagala kulmo xanaaneynta bisado gaaraya 140, waxayna sheegtay Huda in dadkeeda u deyriyeen sabab la xiriirta xiisaha ay u qabto bisadaha.

“ Ujeedkeyga waa in aan daryeel u fido bisadaha barakacay ama lagu xad gudbay,” ayay tiri Huda oo la hadashay Al-Jazeera.

Subaxdii hore, marka ay ka soo kacdo hurdada, waxay Huda cunto u diyaarisaa bisadaha iyada oo nadiifisa halka ay ku hoydeen.

Bishii, kharash dhan 250 doolar ayaa uga baxda xanaaneynta bisadaha iyadoo keliya kaalmo yar ka hesha hay’adaha ka shaqeeya daryeelka xayawaanada.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan