Home / Dhaqaale / Dhaqaalaha Jarmalka oo sameeyay koriimadii ugu hooseysay muddo 5 sanno ah

Dhaqaalaha Jarmalka oo sameeyay koriimadii ugu hooseysay muddo 5 sanno ah

Himilo FM –Dhaqaalaha dalka Jarmalka ayaa kobcay 1.5% sannadkii hore, waa heerkii ugu hooseeyay ee koriimo uu sameeyo tan iyo sannadkii 2013 sida laga soo xigtay xoggaha cusub ee dowladda.

Tirakoobyada ayaa muujiyay in dalka ugu dhaqaalaha xooggan Yurub ee Jarmalka in kobaca dhaqaalihiisa uu hoos u dhacay.

Dhaqaalaha dunida ee sii liicaya iyo dhibaatooyinka ka jira suuqa warshadaha gaadiidka oo culeysyo badan la saaray ayaa loo tiirinayaa inay yihiin sababaha horseeday hoos u dhaca dhaqaalaha dalkaasi.

Billowgii sannadkii 2018, dhaqaalaha Jarmalka ayaa la filayay inuu kobco 1.8% iyadoo koriimada dhaqaalaha dalkaasi uu ahaa 2.2 sannadkii 2017.

Waxaa cabsi xooggan laga qabay in Jarmalku galo xaalad dhaqaale xummo marka la eego isbadalada dhaqaalaha adduunka oo wax badan ku soo kordheen.

Xafiiska tirakoobyada Jarmalka ayaan daaha ka qaadin wali saadaasha dhaqaale ee dalka ee bilaha soo socda, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aysan jirin xog dhammeystiran oo laga tusaalo qaato.

Claus Vistesen oo madax ka ah Pantheon Macroeconomics ayaa tilmaamay inay xusid mudan tahay in Jarmalku ka badbaaday hoos u dhac dhaqaale oo khatar ah.

“Jarmalka waa uu nasiib badan yahay, waxaan ka baqeynay hoos u dhac ballaaran,” ayuu yiri Claus.

Jarmalka waa dalka 4aad ee ugu dhaqaalaha xooggan caalamka oo dhan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan