Home / Caafimaad / Jabaan: Dadka sigaarka caba oo hoos u dhacay

Jabaan: Dadka sigaarka caba oo hoos u dhacay

Himilo FM – Dadka sigaarka caba ee dalka Jabaan ayaa hoos u dhacay sannadihii ugu danbeeyay sida baaritaano cusub muujiyeen.

Dalka dhaca bariga fog ee Asia ayaa lagu soo waramayaa in inbadan oo dadkiisa kamid ah inay go’aansadeen joojinta cabista sigaarka iyadoo tani ugu wacan tahay wacyiga bulshadda dalkaasi.

Baaritaanka cusub ayaa tilmaamay inay kala bar hoos u dhaceen dadka cabba sigaarka ee da’doodu tahay 20 iyo wixii ka weyn.

Xaddiga sigaar cabista dalka Jabaan ayaa immika ah 17.9%, waxayna hoos uga soo dhacday 36% oo ah qiyaastii la sameeyay sannadkii 1989-kii, sida ay qortay Japan Times.

Hay’adaha la dagaalama cabista sigaarka ayaa sababta ku sheegay inay tahay wacyi-gelinta xagga caafimaadka iyo shuruucda la xiriirta sigaar cabista ee dalka.

Tan iyo sannadkii 1966-dii, waxaa hoos u dhacayay heerka sigaar cabista bulshadda dalkaasi iyadoo dowladda qaadatay siyaasado lagu dhimayo cabista sigaarka.

Bishii July ee tagtay, waxay xukuumadda Tokiyo mamnuucday in sigaarka lagu cabo dugsiyada waxbarashada, dhismayaasha, isbitaalada iyo xarumaha dowladda.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan