Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – Wasiirka 44 jirka ah ee u fariisanaya imtixaanka dugsiga sare

La kulan – Wasiirka 44 jirka ah ee u fariisanaya imtixaanka dugsiga sare

Himilo FM – Wasiir katirsan dowladda koonfurta Suudaan ayaa rajeynaya inuu rumeeyo riyo ka dib dhacday isaga oo kamid ah boqolaal arday oo u fariistay imtixaanka dugsiga sare ee dalkaasi.

Abraham Majak Makur oo ah wasiirka wadooyinka iyo dib u dhiska ee gobalka Eastern Lakes ee Koonfurta Suudaan ayaa shalay u fariistay maadadii ugu horreysay ee imtixaanka dugsiga sare ee Paanker Secondary.

Nin ku dhaw wasiirka ayaa xaqiijiyay in wasiirka uu ka haray waxbarashada sideetameeyadii qarnigii hore isaga oo qabtay kaddib xilal kala duwan.

Waxa uu intaa raaciyay qofka ku dhaw wasiirka in Abraham uu xilal badan ka soo qabtay gobalka Eastern Lakes sida agaasime wasaaradeed illaa maanta oo uu yahay wasiirka wadooyinka iyo dib u dhiska ee gobalkaasi.

Bogga wararka dalka koonfurta Suudaan ee Hot In Juba ayaa sheegay in Abraham uu xilal kala duwan qabtay isaga oo aan laheyn raad danbe oo waxbarasho ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan