Home / Cayaaro / Manchester United oo u dhaqaaqday laacib ka ciyaara dalka Holland

Manchester United oo u dhaqaaqday laacib ka ciyaara dalka Holland

Himilo FM – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay 25 milyan oo ginni ku dalbaneyso Steven Bergwijn kaddib markii ay u soo direen shaqsiyaad daawada garabka kooxda  PSV Eindhoven.

Bergwijn ayaa sagaal jeer shabaqa soo taabtay 16 kulan oo uu u saftay horyaalka Eredivisie xilli ciyaareedkan, sidoo kale wuxuu qeyb muhiim ah ka qaatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore isagoo dhalin iyo caawinba ka gacan geytsay 15 gool.

United ayaa isha ku heysa 21 jirkan,waxaana sidoo kale xiisaneysa kooxda Liverpool. Xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa soo jiitay indhaha madaxda United iyadoo The Sun ay soo warisay in ciyaaryahanka uu qandaraaskiisa Philips Stadion ku egyahay illaa 2022.

Kooxda heysata horyaalka Holland ayaan dooneynin inay lacag kaash ah ku hesho Bergwijn, si kastaba ha ahaatee, horay ayay u diiday dalab ka yimid Torino iyo Bordeaux xagaagii lasoo dhaafay.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan