Home / Cayaaro / Tottenham oo raadinaysa bedelka Mousa Dembele

Tottenham oo raadinaysa bedelka Mousa Dembele

Himilo FM – Tottenham ayaa isku dayi doonta inay keensato ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah bishan si ay ugu bedesho Mousa Dembele.  

Dembele ayaa maanta  dhameystiray 9 milyan oo ginni oo uu uga dhaqaaqay Tottenham isagoo ku biiray kooxda Guangzhou R & F ee Chinese Super League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium ayaa soo gabagabeynaya lix sanno iyo bar oo uu ku qaatay  Spurs, waxaana la filayaa inuu mushaar  ahaan u qaato 160 kun ginni Isbuucii – taasoo ah laban laab  mushaharka uu ka qaadanayay waqooyiga London.

Qandaraaskiisa Tottenham ayaa la filayay inuu dhaco dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Dembele, oo 31 jir ah ayaa u duulay bariga fog si uu u dhameeyo wadahadaladii  billowday toddobaadkan, waxaana haatan la xaqiijiyay in uu saxiixay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium ayaa ka yimid Fulham bishii August 2012, waxaana uu shabaqa soo taabtay seddex maalmood kaddib kulankii Norwich City.

Mousa ayaa 82 kulan u saftay Belgium waxaana uu qeyb ka ahaa ciyaartoydii Red Devils ee ku dhameysatay kaalinta seddexaad  koobka adduunka 2018 ka dhacay Russia.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan