Home / Daraasad / Baaritaan: Bunka oo sii dabar go’aya caalamka oo dhan

Baaritaan: Bunka oo sii dabar go’aya caalamka oo dhan

Himilo FM – Jaridda keymaha iyo isbadalka cimilada ayaa ka dhigaya bunka la isticmaalo mid sii dhammaanaya iyadoo laga baqdin qabo in la waayo miraha bunka oo si weyn loogu tiirsan yahay.

Warbixin cusub ayaa tilmaamtay in 60% bunka ka baxa dhulka inuu sii dabar go’ayo gaar ahaan nuucyada loogu jecel yahay oo isbadalka cimilada uu saameeyay.

Baarayaasha ayaa xaqiijiyay in 75 nuuc oo kamid ah 124-ka nuuc ee bunka loo qeybiyo inay dunida ka sii dhammaanayaan.

Dr Davis oo ah madaxa xarunta baaritaanada qaxwada ee Kiyow ayaa sheegay inay tani muhiim tahay in la oggaado laguna baraarugo.

Jaridda lagu hayo dhirta gaar ahaan midda laga guro bunka ayaa loo tiirinayaa in la waayo bunka mustaqbalka dhaw. Khatarta ku socota qaxwada ayay warbixinta xustay inay sii kordhayso , waxaana tani walaac badan gelin doontaa dadka xiiseeya ee si joogta ah u isticmaala.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan