Home / Cayaaro / Chelsea oo ku dhaw inay la soo wareegto Leandro Paredes

Chelsea oo ku dhaw inay la soo wareegto Leandro Paredes

Himilo FM – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaw dahay  dhameystirka saxiixa labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee Zenit St Petersburg Leandro Paredes iyo weeraryahanka Juventus Gonzalo Higuain.

Blues ayaa la filayaa inay dhameystirto heshiiskii amaahda ahaa ee uu kaga imanayay Juve  Higuain, kaasoo qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan ku qaatay AC Milan.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Express, Paredes ayaa aad ugu dhaw Chelsea oo qarka u saaran  inay 31 Milyan oo ginni kaga hesho  Zenit 24 jirkan.

Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay 26.8 Milyan oo ginni ka soo diiday  kooxda reer Russia horraantii bishan laakiin dalabkooda labaad ayaa ku dhaw inay ku soo xero geliyaan Zenit           £ 36milyan.

Paredes ayaa loo arkaa bedelka tooska ah ee Cesc Fabregas, waxa uu ka soo ciyaaray  Serie A  gaar ahan kooxda Roma  kahor inta uusan ku biirin Zenit bishii July 2017.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan