Home / Caafimaad / Diyaarad si deg deg ah u caga dhigatay markii rakaab badan ku xanuunsadeen!

Diyaarad si deg deg ah u caga dhigatay markii rakaab badan ku xanuunsadeen!

Himilo FM – Diyaarad ka soo kacday magaalada Moscow ee dalka Russia ayaa si deg deg loogu dejiyay garoon kaddib markii qaar kamid ah rakaabka ku xanuunsadeen.

Waxaa la soo wariyay in diyaarada Ural Airlines oo tirsigeedu yahay U6-893 inay saarnaayeen 150 rakaab ah markii lagu dejiyay garoonka magaalada Volgograd oo dhacda koonfurta galbeed ee Russia.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Fox News, qaar kamid ah rakaabka diyaarada ayaa dareemay xanuuno kaddib 30 daqiiqo markii diyaarada duushay. Ilya Brinder oo kamid ah rakaabka ayaa u sheegay warbaahinta in dadka xanuunsaday ay neefsan waayeen.

“Rakaabka way argagaxeen, waxaana duuliyaha uu go’aansaday inuu diyaarada ku dejiyo Volgograd, “sidaasi ayuu yiri qofka rakaabka ah.

Xanuunka waxaa wajiyadooda laga gartay qaar kamid ah rakaabka fadhiyay kuraasta 21 illaa 26.

“Waxaan ku kacay haweenay qeylinaysa oo gargaar weydiisaneysa,” ayay tiri haweenay kale oo la hadashay warbaahinta.

Saraakiil caafimaad ayaa laga soo xigtay in rakaab badan loo qaaday isbitaal markii diyaarada la dejiyay. Inkastoo dad badan xanuunka la xiriiriyeen cunto summeysan haddana wali lama garan sababta rasmiga ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan