Home / Cayaaro / Neymar oo laga yaabo in uu seego kulamada wareegga 16ka Champions League

Neymar oo laga yaabo in uu seego kulamada wareegga 16ka Champions League

Himilo FM Neymar ayaa laga yaabaa in uu seego kulamada wareegga 16ka Champions League oo ay Paris St Germain ay la ciyaarayaan Manchester United  kaddib markii uu ku soo laabtay dhaawac lugta ah.

Weeraryahankan ayaa dhaawac kaga baxay xerada Coupe de France kulan ay la ciyaarayeen Strasbourg habeenkii arbacada.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaawac anqawga middig ah ku soo galay qeybtii labaad, waxaana lagu soo waramayaa in ilmo uu kaga baxay islamarkaana uu ku laabtay qolka labiska.

PSG ayaa wajaheysa United wareegga isreebreebka Champions League 12kii Febraayo, iyadoo Neymar uu seegay xilli ciyaareedkii hore kulan ay Real Madrid la ciyaareen isla marxaladdan oo kale maadaama uu  anqawga midig iyo jab uu soo gaaray.

Waxa uu markaasi seegay inta ka harsaneyd xilli ciyaareedka oo dhan ka hor inta uusan ku soo laaban taam ahaanshiyaha Koobka Adduunka.

PSG ayaa ku sheegtay bayaan ay soo dhigeen boggooda rasmiga ah:”Baaritaannada hore ayaa muujiyay xanuun soo noq-noqosho ah oo uu soo gaaray dhaawicii shanaad ee lugta middig.”

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan