Home / Cayaaro / Adrien Rabiot oo iska diiday u dhaqaaqista kooxda Tottenham Hotspur

Adrien Rabiot oo iska diiday u dhaqaaqista kooxda Tottenham Hotspur

Himilo FM –Xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Adrien Rabiot ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday fursad uu ugu biirayo Tottenham Hotspur  isagoo doonaya inuu u ciyaaro Liverpool.

23 jirkan ayaa doorbidayay Reds xagaagii lasoo dhaafay, waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay Barcelona.

Rabiot ayaan qandaraaska u cusboneysiin kooxda Parc des Princes, taasi oo la micno ah in uu haatan xor u yahay inuu la hadli karo  koox ka baxsan PSG maadaama uu heshiiskiisa uu dhacayo xagaagan.

Warar kasoo baxayay France ayaa tibaaxayay toddobaadyadii lasoo dhaafay in Tottenham ay dooneysay in kooxaha kale ay ku garaacdo saxiixa 23 jirkan si ay ugu iibsato 20 Milyan oo Ginni bishan.

Si kastaba ha ahaatee, Paris United ayaa soo jeedineysa in Rabiot uu meesha ka saaray in uu u wareegayo waqooyiga London maadaama uu weli rajeynayo in uu u hayaamo Liverpool inkasta oo uusan marnaba helin rabitaanka kooxda xilli Jurgen Klopp uusan u muuqan in uu suuqa ugu jiro ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah..

Rabiot ayaa u ciyaaray kooxda heysata horyaalka Faransiiska kulankii 4-1 ku garaaceen Red Star Belgrade 11kii December

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan