Home / Habka-Nolosha / Mareykanka: Haweenay muddo seddex maalin ku xanibneyd wiish

Mareykanka: Haweenay muddo seddex maalin ku xanibneyd wiish

Himilo FM –Haweenay ayaa la soo badbaadiyay kaddib markay muddo seddex maalin ah ku xanibantay wiishka guri uu leeyahay nin bilyuneer ah oo ay u shaqeynaysay.

Marites Fortaliza oo da’deedu tahay 53 jir ayaa lagu soo waramayaa inay gashay wiishka guriga ninka bilyuneerka ah ee la yiraahdo Warren Stephens fiitnimadii habeenkii jimcada.

Waararka waxay tilmaameen in haweenayda ka shaqeynaysay nadaafadda markii uu ku xermay wiishka oo dhirirkiisu yahay seddex cag.

Wargeyska Newyork Times ayaa ku soo waramaya in haweenayda keliya joogtay guriga, taasi oo keentay inay ku xanibanto wiishka muddo seddex maalin ah.

Wiishka ma laheyn botonka xaaladaha deg degga ah ama taleefanka u gaarka ah, waana midda horseeday in haweenayda ku jirto 60 saacadood oo xiriir ah.

Nasiib wanaag, qof guriga yimid ayaa maqlay cod yar, waxaana sidaasi kooxaha dab damiska oo la wargeliyay ay ku soo badbaadiyeen haweenayda go’doontay. Fortaliza ayaa hadda ku jirta isbitaal iyadoo soo kabanaysa sida ay qortay wakaalada wararka ee AP.

Ninka bilyuneerka ah ee Stephen oo leh guriga ayaa ah madaxa Stephens Inc oo ah banki sameeya maal-gelinta oo xaruntiisu tahay Arkansas oo katirsan Mareykanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan