Home / Cayaaro / Paris Saint-Germain oo u dhaqaaqday saxiixa Willian

Paris Saint-Germain oo u dhaqaaqday saxiixa Willian

Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa diirada saaraysa weeraryahanka Chelsea Willian iyagoo ka dhigaya bartilmaameedkooda ugu saaraya maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga.

Hogaamiyayaasha horyaalka Ligue 1 ayaa ku jira baadi goobka bedelka Neymar, kaasoo garoomada ka maqnaanaya illaa iyo 10 isbuuc kaddib dhaawac lugta ah oo u muuqda inuu seegi doono kulanka muhiimka ah ee Champions League la leeyihiin  Manchester United.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, PSG ayaa ku dhawaaqday Willian inuu yahay nin ka caawin kara  buuxinta booskaas .

 30 jirkan ayaa Blues u ciyaaray  kulankii ay 4-0 kaga badisay Bournemouth xalay, waxaana la filayaa inay kooxdiisu diidi doonto dalab kasta oo lagu doonayo ciyaaryahanka oo ay ku qiimeyso 40 milyan oo ginni.

Xiddiga reer Brazil, kaasoo joogay Stamford Bridge tan iyo 2013, ayaa 18 billood ka hartay qandaraaskiisa haatan, waxaana uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ay doonaysay  Barcelona bishan.

Dhanka kale, PSG ayaa sidoo kale la aaminsan inay doonayso inay heshiis ammaah ah kula soo wareegto kubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil laakiin waa laga diiday dalabkooda.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan