Home / Cayaaro / Marco Verratti oo taam u noqon doona kulanka Manchester United

Marco Verratti oo taam u noqon doona kulanka Manchester United

Himilo FM –Marco Verratti ayaa qarka u saaran in uu dib u soo laabto kahor kulanka wareegga 16-ka  Paris Saint-Germain ay la ciyaarayaan Manchester United tartanka Champions League.

26 jirkan ayaan u ciyaarin kooxda Faransiiska tan iyo markii uu canqawga ka jabay kulankii ay 9-0 kaga badiyeen Guingamp laba Isbuuc ka hor. Iyadoo Neymar horayba loo xaqiijiyay in uu seegayo kulamada labada qeyb ee bishan.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha kooxda Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday kahor safarka kooxdiisa Lyon ee axadda in 26 jirkan oo ciyaaray 24 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, in loo qorsheeyay in uu ku soo laabto tababarka maalmaha soo socda.

PSG ayaa 10 dhibcood oo nadiif ah ku heysa hoggaanka horyaalka Ligue 1, kooxda ayaa ciyaari doonta seddex kulan kahor ciyaarta ay la dheelayaan Man Utd 12 Febraayo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan