Home / Cayaaro / Man United oo go’aamisay qiimaha la siin doono tababaraha xigga ee kooxda

Man United oo go’aamisay qiimaha la siin doono tababaraha xigga ee kooxda

Himilo FM –Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay miisaaniyad dhan £ 200M ay si joogta ah u siiso tababaraha cusub ee joogatada noqonaya dhawaan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa loo magacaabay in uu noqdo sii hayaha xilka inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kaddib markii Jose Mourinho laga eryay kooxda bishii December laakiin ninka reer Norwich ayaan la soo wareegin xiddigo inta uu furnaa suuqa kala iibisga ciyaaryahanada bisha Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, madaxda kooxda ayaa durbadiiba go’aan ka gaarin cidda sida rasmiga ah loogu magacaabi karo macallinka buuxa  kahor xilli ciyaareedka soo aadan.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay daafacyo cusub oo daafac dhexe ah halka waji cusub loogu baahan yahay daafaca middig, iyadoo Antonio Valencia iyo Matteo Darmian ay u badan tahay inay ka tagayaan Old Trafford.

Solskjaer ayaa haatan loo arkaa inuu si joogta ah ugu fariisan doono booska koowaad ee tababaranimo kaddib markii uu badiyay 9 kulan iyo hal barbaro guud ahaan 10 kulan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan