Home / Cayaaro / Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya Ronalda-ha cusub

Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya Ronalda-ha cusub

Himilo FM –Real Madrid iyo Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya saxiixa da ‘yarka Benfica Joao Felix, sida ay qortay Diario AS.

19 jirkan ayaa ku soo barbaaray kooxda ka dhisan Lisbon xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhaliyay shan gool toddobadii kulan ee ugu danbeysay.

Tani waxay keentay in xiddiga khadka dhexe ee maskaxda ka ciyaara kaasi loo yaqaan Cristiano Ronaldo-ha cusub uu yahay mid kamid ah kuwa mustaqbalka ku leh kubadda cagta.

Waxaa sidoo kale laacibkan daneynaya  Atletico Madrid, Borussia Dortmund iyo Manchester United oo  daawaday ciyaaryahanka.  Felix ayaa haatan lagu qiimeeyaa €120m heshiiska lagu burburin karo, waxaana uu ku egyahay sannadka 2023.

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay in uu yahay mid leh xirfad sarre, waxaana uu ka ciyaari karaa meelo badan oo weerarka ah, xiddigan ayaa qeyb ka ahaa kulankii semi-finalka UEFA Youth League ee 2016-17 markaasi oo ay ka horyimaadeen Madrid.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan