Home / Arrimaha Bulshada / Kuwait: Lamaane kala tagay seddex daqiiqo kaddib arooskooda!

Kuwait: Lamaane kala tagay seddex daqiiqo kaddib arooskooda!

Himilo FM –Dalka Kuwait, lamaane isguursaday ayaa lagu soo waramayaa inay sameeyeen taariikh kaddib markii guurkooda uu noqday midka ugu wakhtiga gaaban oo ay wada joogaan lamaane. Waxay go’aansadeen inay kala tagaan seddex daqiiqo kaddib markay isguursadeen.

Bishii la soo dhaafay, warbaahinta Kuwait ayaa soo warisay dhacdada lamaane kala tagay kahor inta aysan ka dhaqaaqin halka lagu mehriyay.

Waxay tani timid kaddib markii gabadha arooska ah kuftay, waxaana halka arooska uu ka caawin lahaa uu ku yiri erayo aflagaado ah sida “Qof xun ayaa tahay.”

Gabadha ayaa u dulqaadan weyday erayada arooska, waxayna ka codsatay qaadiga inuu buriyo arooska. Waxay isqabeen keliya seddex daqiiqo.

Warbaahinta Q8 News ayaa ku soo waramaysa in arooska uu noqday kii ugu wakhtiga gaabnaa taariikhda dalka Kuwait.

“Waxaan aragnay dhacdooyin lamid ah, lamaane Dubai ku noolaa ayaa kala tagay 15 daqiiqo kaddib arooskooda laakiin seddex daqiiqo waa wax aan la qaadan karin,” ayay qortay warbaahinta Q8 News.

Dad badan ayaa ka faallo dhiibtay sheekadan. Qaar badan ayaa taageeray wiilka halka inta badan gabadhaha la safteen aroosada iyaga oo sheegay inay qaadatay go’aan sax ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan