Home / Dhaqaale / Sawirro: Guriga uu ku soo koray Trump oo la iibinayo

Sawirro: Guriga uu ku soo koray Trump oo la iibinayo

Himilo FM –Sida laga soo xigtay warbaahinta New York Post, guri uu ku soo koray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa loo soo bandhigay iib, waxaana lagu doonayaa kharash dhan 2.9 Milyan oo doolar.

Gurigan oo cabbirkiisu yahay 2500 oo cag laba jibaaran ah ayaa ku yaala deegaanka Queens ee katirsan Newyork, waxaana dhisay aabaha dhalay Donald Trump qarnigii tagay.

Donald Trump ayaa wakhti kamid ah carruurnimadiisa waxa uu ku soo qaatay gurigan oo ka kooban 5 qol, waxaana la xusaaa inuu ku noolaa billowgii dhalashadiisa 1946 illaa 1950-kii.

Sannadkii 2017-kii ayaa guriga lagu soo bandhigay xaraash, waxaana la rajeynayay in qiimahiisa uu gaaro 2.14 Milyan laakiin ma dhicin. Waxaa kale oo jirta in isla sannadkaasi la tilmaamay in la ijaarayo guriga iyadoo qiimaha habeenkii lagu jiifanayo lagu sheegay 725 doolar.

Faldan ka eeg hoos sawirrada guriga oo aan kugu soo lifaaqnay xogtan kooban.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan