Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay aan oggaan inay uur leedahay illaa ay ka dhasho!

Haweenay aan oggaan inay uur leedahay illaa ay ka dhasho!

Himilo FM –Haweenay Ingiriis ah ayaa sheegtay inay tagtay isbitaal si looga daweeyo xannuun yar oo dhanka dhiigga ah hase ahaatee la suuxiyay, waxayse soo kacday iyada oo dhashay gabar.

Lizza Davies ayaa xustay in aysan hore u oggaan inay uur leedahay balse dareentay xannuun dhinaca dheefshiidka ah oo isbitaal loo dhigay bishii Apriil ee sannadkii 2018 sida uu qoray wargeyska The Sun.

Baaritaano kaddib, dhaqaatiirta ayaa sheegay in haweenayda 27 jir ah laheyd uur toddobaadkii 26aad laakiin kuma baraarugsaneyn.

Wargeyska The Sun ma uusan shaacin sababaha haweenayda ku garan weyday uurka iyadoo jiraan culeyso ku imaanaya oo tusmo u noqon kara.

Haweenayda ayaa tilmaamtay inay shaqeynaysay 8 saacadood toddobaadkii islamarkaana qaadi jirtay waxyaabo culus iyadoo aanan ku baraarugsaneyn uurka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan