Home / Cayaaro / Man Utd oo kula biirtay Chelsea dagaalka loogu jiro xiddiga Ivan Rakitic

Man Utd oo kula biirtay Chelsea dagaalka loogu jiro xiddiga Ivan Rakitic

Himilo FM –Man United  ayaa lagu soo waramayaa inay Chelsea kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Barcelona Ivan Rakitic.

Waxaa la fahamsan yahay in labada kooxood ee Premier League ay weydiisteen helitaanka ciyaaryahanka, waxaana xiddiga khadka dhexe ee reer Croatia uusan ku bixi karin in ka yar 57 milyan ginni xagaagan.

Sida laga soo xigtay Sport, Manchester United iyo Chelsea ayaa sidoo kale tartan kula jira Bayern Munich, Juventus iyo Inter Milan, kuwaas oo dhamaantood lala xiriirayay Barcelona xilli ciyaareedkan.

Rakitic, oo 30 jir ah, ayaa 78 milyan oo ginni  dalab ah ay uga timid Paris Saint-Germain xagaagii lasoo dhaafay,kaas oo sidoo kale helay ballan qaad ah in  mushaarkiisa loo laba jibaarayo.

Laakiin inkastoo kooxda ay diyaar u tahay inay iska iibiso, heshiiska ayaa waxaa xiray tababare Ernesto Valverde iyo ciyaaryahanka qudhiisa.

Xagaagaan waa uu ka duwanaan karaa, inkastoo Barcelona ay diiday inay bixiso qandaraas cusub oo ay u gacan galiso Rakitic.

Qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa 2021-ka, waxaana  uu soo jeediyay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Barcelona inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan loo kordhin ama wax mushaar kordhin ah miiska loo saarin ,xiddiga tiigsaday finalka Koobka Adduunka ayaa laga yaabaa in  uu baxo.

Barcelona ayaa dooneysa inay sii haysato Rakitic iyadoo ka fiirsaneysa muhiimada uu u leeyahay kooxda tan iyo markii uu ka soo wareegay Sevilla sannadkii 2014.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka caawiyay Barcelona seddex horyaal oo La Liga ah, afar Copa del Rey ah, Champions League iyo Club World Cup.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan