Home / Cayaaro / Arjen Robben “Anfield waa garoonka ugu xun.”

Arjen Robben “Anfield waa garoonka ugu xun.”

Himilo FM –Laacibka Bayern Munich Arjen Robben ayaa sheegay in uu Anfield u yahay garoonka ugu xun, xilli kooxda Liverpool ay ugu marti noqon doonaan wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda horyaalnimada Bundesliga ee Bayern Munchen ayaa u safri doonta kooxda Premier League ee Liverpool lugta koowaad kulanka talaadada.

Robben oo ka hayaami doona Bayern dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaan ku faraxsaneyn xusuusaha Anfield xilligiisii kooxda Chelsea.

Chelsea ayaan ilaabin xasuustii 2004-05 markaasi oo kooxda Reds ay 1-0 kaga soo gudbeen heerka nus dhammadka tartanka Champions League oo ay ugu danbeyn iyagu noqdeen guuleystiyaasha tartanka, halka Robben iyo saaxibbadiisa ay mar kale ku khasaareen gool-kulaad isla marxaddaasi oo kale dhacdadii 2006-07 ee Champions League.

“ Waxaan u maleynayaa haddii aad i weydiiso wax ku saabsan garoonka ugu xun argartideyda waa garoonka Liverpool, “ 35 jirkan garabka ugu ciyaara Dutch ayaa u sheegay The Guardian

Isaga oo ka hadlaya  labadii heer ee nus dhammadka tartanka Yurub oo ay Liverpool guuldarrada kala kulmeen waxa uu yiri: “ wakhtigaa Liverpool xaqiiqdii waxa ay ahaayeen koox u dagaalameysa koobkan,  sidoo kale FA Cup ama League Cup.”

Waxa uu intaa raaciyay “Hal ama laba cayaarood waxay ku guuleysan karaan si sarre, kaliya ma ahan xilliga oo dhan, laga yaabee taasi in ay aheyd wax aad u badan.”

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan