Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – 50 jirka naafada ka ah aragga iyo maqalka ee ka shaqeeya garaash!

La kulan – 50 jirka naafada ka ah aragga iyo maqalka ee ka shaqeeya garaash!

Himilo FM –Laxabiib Sentesii waa 50 jir u dhashay Aljeeriya oo naafo ka ah aragga iyo maqalkaba, waxa uu ku nool yahay magaalada Wahraan oo 400 km u jirta galbeedka caasimadda dalkaasi.

Waxa uu Laxabiib ka shaqeynaa garaash lagu sameeyo gawaarida muddo ku simman 25 sanno isaga oo naafo ka ah aragga iyo maqalka. Xaaladiisa waxay xummaatay markii uu aragga ku waayay shil gaari oo uu galay 6 sanno kadib markii uu shaqada bilaabay.

Bomeden Cabdulaahi oo ah milkiilaha garaashka ayaa warbaahinta u sheegay in Laxabiib uu la nool yahay walaashiis oo dhabarka u ridatay noloshiisa markii inta badan qoyskiisa ku deyriyeen xaaladda heysata.

Milkiilaha garaashka ayaa la kulma su’aalo badan oo dadweynaha uga yimaada kuna tacaluqa sida uu u shaqeeyo ninka reer Aljeeriya ee naafada ka ah aragga iyo maqalka.

“Laxabiib waxa uu ka shaqeeyaa qalbigiisa, waxa uu u yimaadaa si maalinle ah isaga ka soo hormara dadka oo dhan balse maalinta uusan shaqeyn waxa uu dareemaa murugo,” ayuu yiri Bomeden oo ah ninka leh garaashka.

Iimaan oo ah gabar 18 jir ku nool Faransiiska ayaa daawatay muuqaal laga sameeyay sheekada ninka da’da ah ee aragga iyo maqalka la’, waxayna sheegtay inay ka murgootay xaaladiisa.

Intaa kuma gaabsan Iimaan hase ahaatee waxay dadaal u gashay sidaa kaalmo loo siin lahaa Laxabiib, waxayna bog uga sameysay “GoFundMe” iyadoo illaa iyo immika loo uruuriyay lacag dhan 62 kun oo Euro.

Dad badan ayaa ku yaboohay lacago, waxaa kamid ah fanaaniin iyo ciyaaryahanno sida Franck Ribéry.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan