Home / Cayaaro / Mata “Manchester United waxay sameysay fal celin cajiib ah.”

Mata “Manchester United waxay sameysay fal celin cajiib ah.”

Himilo FM –Juan Mata ayaa ka hadlay sida uu u faraxsan yahay kaddib markii Manchester United ay Chelsea kaga badisay wareegga quarter-finalka FA Cup.

Lix maalmood kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen PSG lugta hore ee Champions League ee Old Trafford, United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkooda ugu fiican ee ay ku soo bandhigeen kulankii  Chelsea.

Ander Herrera iyo Paul Pogba ayaa siiyay guushii 11aad  kaddib markii ay13 kulan ay ka hoos shaqeeyeen Ole tan iyo markii Jose Mourinho uu kooxda ka tagay labo billood kahor, Mata ayaana ku faraxsanaa qaabka kooxdiisa ay guusha uga gaartay kooxda galbeedka London.

“Waxaan aheyd falcelin cajiib ah kaddib guuldaradii naga soo gaartay Paris Saint-Germain,” ayuu u sheegay Sky Sports News.

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaa natiijo adag ka soo qaadanay Paris Saint-Germain, laakiin weli waxaan aaminsanahay in aan dib u soo laaban karno, Premier League waa diiradeenna ugu weyn ee aan ku noqoneyno afarta kooxood ee ugu sarreysa.”

Kooxda 12-ka jeer ku guuleysatay Fa Cup ee United ayaa wajihi doonta Wolverhampton Wanderers wareegga 8-da ee tartanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan