Home / Deegaan / Seynisyahan caan ah oo wax badan ka sheegay kuleylka dunida oo geeriyooday

Seynisyahan caan ah oo wax badan ka sheegay kuleylka dunida oo geeriyooday

Himilo FM –Seynisyahan bixiyay digniinadii ugu horreeyay ee ku saabsan isbadalka cimilada islamarkaana caan ku ahaa eray bixinta “Kuleylka caalamiga ah” ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu tahay 87.

Wallace Smith oo muddo dheer bare ka ahaa jaamacadda Columbia University ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Newyork City sida uu sheegay afhayeen u hadlay jaamacadda oo la yiraahdo Kevin Krajick. Waxa uu tilmaamay afhayeenka in Wallace uu xanuunsanaa muddooyinkii ugu danbeeyay.

Profeesarka geeriyooday ayaa maqaal ku iftiimiyay khatarta kuleylka caalamka ee sii kordhaya sannadkii 1975. Waxa uu qeexay in kororka CO2 uu horseedi doono kuleyl darran isaga oo mar danbe noqday qofkii ugu horreeyay ee aqoonsada waxa loogu yeero “Ocean Conveyor Belt” oo ah dhacdooyinka isku xeran oo saameeya hawada iyo roobka.

“Wuxuu ahaa qof farriid ah oo maskax furan,” ayuu yiri Michael Oppenheimer oo bare ka ah jaamacadda Princeton University.

Waxa uu intaa raaciyay in uu ku ammaanaa aragtiyadiisa cad cad iyadoo dad yar dhageysanayaan.

Xusuusta laga hayo Wallace waxaa kamid ah inuu sheegay in jawiga Yurub noqon doono qabow darran isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay dalalka Ingiriiska iyo Norway.

Waxa uu qaatay abaalmarino kala duwan, waxa kamid ah billada National Medal of Science oo la guddoonsiiyay sannadkii 1996-dii.

Wallace Smith ayaa ku dhashay Chicago sannadkii 1931-dii isaga oo ku barbaaray deegaanka Oak Park.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan